Puntland: Dibadbax rabshad wata oo Bosaso ka dhacey

Image

BOSASO: Magaalada Bosaso ayaa waxaa ka dhacey dibadbaxyo rabshado wata iyadoo wararku sheegayaan in dhimasho iyo dhaawac jiro.

Waxaa magaalada bartamaheeda laga maqlayey dhawaaqa rasaasta iyadoo ciidamada amniga ku howlan yihiin sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas.

Wararku aan heleyno ayaa sheegaya in dibadbaxaan ka bilowdey dhalinyaro u mudahraadeysa nin la yiraahdo Cabdicasiis Farax Xaaji Siciid oo ciidamada amniga maalintii shaley xireen.

Cabdicasiis ayaa laga xirey kulan la sheegey in koox dhalinyaro ah ku lahaayeen bartamaha magaalada kuwasoo hay'adaha Dowlada ka shakiyeen iney banaanbaxyo diyarinayaan.

 Banaanbaxyadaan ayaa ku soo beegmaya xilli madaxweynaha Puntland ku sugan yahay magaalada Bosaso halkaasoo la sheegey in ku mashqulsanaa maalmihii la soo dhaafey cabashooyin ka imaanayay beelaha Degaanka gobolkaas.

GAROWEONLINE kala soco wararka dambe ee la xiriira banaanbaxaan.

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM