Puntland: Dimuqraadiyad la doonayo in xoog ciidan lagu hirgeliyo
GAROWE, Puntland - Ciidamo badan ayaa waxaa lagu arkayaa waddooyinka magaaladda Garowe xilli qorshuhu yahay in Talaadada maanta ah ay caasimadda dowladda Puntland ka dagaan wafdi ka socda Saaxiibada Caalamka.
Sawirro laga soo qaadey Garowe oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa waxay muujinayaan in ciidamo ku hubeysan gaadiid dagaal ay xireen waddooyinka gala Madaxtooyadda laga bilaabo Hotel Caduun.
Wafdigan ayaa horey u tagay magaalooyinka qaar kamid ah dowlad goboleedyadda balse socdaalkooda Garowe wuxuu soo degdegay ka gadaal markii uu warqad u qoray madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.
Warqadaas ayaa ku saabsaneyd in uu daneeyeyaasha caalamiga ah ka goobo taageero ay siiyaan qorshihiisa hirgelinta barnaamijka dimuqraadiyeynta oo khilaaf ba'an uu ka taagan yahay waqtigana kasii dhacayo.
Qaar kamid ah danjireyaasha Beesha Caalamka ee wafdiga kamidka ah ayaa si weyn u daneynaya in doorasho qof iyo cod ay Puntland uga qabsoonto geedi-socod ay heshiis kuwada yihiin dhamaan daneeyeyaasha.
Deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah ayaa barnaamijka doorashadda tooska ah ku taageeraya dhaqaale waxaana warbixinta kormeereyaasha coddeyntii horudhaca ahayd lagu muujiyey in ay jireen is-dabamarino xal u baahan.
Madaxwayne Deni ayaa ka dhaga-fureystay baaqyadda saamileyda siyaasadda oo sheegay in waqtiga kooban ee haray aysan suurtagal ahayn in doorasho toos ah ku dhacdo ayna ka dhalan karto xasilooni daro.
Wax-garadkan ayaa sidoo kale waxay tibaaxeen in madaxwaynuhu aysan dhab ka ahayn hirgelinta barnaamijkan balse uu ku hoos fulinayo ajanda qarsoon oo ah muddo kororsi si uu xukunka baaqi ugu sii ahaado.
Ururadda Siyaasadda Puntland oo walaac ka muujiyey hanaanka ay waddo xukuumadda Deni ayaa ku taliyey in hirgelinta dimuqraadiyada Puntland loo daayo dowladda iyo madaxda cusub ee imaan doonta.
Sheegashadda siyaasiyiinta waxaa daliil u noqoneysa in Deni uu durba bilaabay in uu ciidan iyo awood ku fuliyo damaciisa waxaana tusaale u noqon kara ciidamada la dhigay jidadka si uu uga hortago isu-soo-baxyada looga soo horjeedo.
GAROWE ONLINE