​Puntland: Diyaarado duulimaadkii joojiyay

Image
Image

GAROWE- Wasaarradda duulista hawada iyo garoomada Puntland ayaa amar ku bixisay in dadka rakaabka ah ee raacaya diyaaradaha isaga goosha waddanka Somalia laga qaado lacag gaaraysa 20 doollar, waxaana arrintaasi si aad ah uga soo horjeestay diyaaradaha qaybtood.

Go'aankan ayaa kalifay in todobaadkii hore duulimaadyadii Galkacyo qaybtood loo wareejiyo magalada Cadaado ee maamulka Galmudug, waxaana arrintaas cabasho xooggan ka muujiyay dadka shacabka oo tilmaamay inaysan macquul ahayn qof muwaadin ah oo dalka ku dhex safraya in lacagtaasi oo summadeeda rasmiga ah la aqoon laga qaado.

Dhinaca kale waxaa duullimaadkeedi wasaaraddu hakisay diyaaradda Freedom Air oo ka bixi lahayd magaalada Bosaso kadib markii ay ka dhaga adaygtay inay bixiso lacagtaasi iyadoo sheegtay inaan laga qaadin magaalooyinka kale ee Somalia.

Agaasimaha guud ee wasaaraddaasi ayaa ka hadlay arrintan wuxuuna sheegay in wasaaraddu go'aankan soo saartay 15-kii bishii April, isagoo diidamada amarka ee shirkadda Freedom ku macneeyay dagaal ay kula jirto dowladda.

Wuxuu sheegay inay wadaxaajood la galeen maamulka shirkadda, balse natiijadii kasoo baxday ay noqotay hanjabaad iyagoo ku goodiyay inay ka dagaayaan garoomo kale rakaabkana baabuur lagu qaadi doono.

Balse, mas'uuliyiinta Freedom oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay inaysan joojin duulimaadkoodii Bosaso, laakiin todobaadkii hore dowladdu amar ku bixisay inaysan shacabku raacin diyaaradda, waxayna nasiib darro ku tilmaameen tallaabada ay qaadatay wasaaraddu.

Ma aha Freedom oo kaliya shirkadaha diiday inay bixiyaan lacagtaasi, balse waxaa jira kuwo kale oo wasaaraddu ugu hanjabtay inaysan kasoo dagi karin Puntland ilaa ay lacagtaasi bixiyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM