​Puntland: Doonyo kale oo gaaray Garacad gobolka Mudug

Image

Warar hadda nasoo gaaray ayaa sheegay in  ilaa labo doonyood gaareen deegaanka Garacad oo qiyaastii 260 u jirta xarunta gobolka Mudug ee Galkacyo, waxaana la sheegay in doonyahan la socdaa mallayshiyaad hubaysan.

Goob jooge uu la xiriiray Warsidaha Garowe Online ayaa arrinta xaqiijiyay, wuxuuna xusay inaysan kala ogayn doonyahan inay xiriir la leeyihiin rag hubaysan oo ilaa xalay deegaanka ku sugnaa, balse saaka u baxay qaybo kamid ah degmooyinka Eyl iyo Godob Jiiraan.

Wuxuu sheegay in dhammaan dadkii magalada ku sugnaa qaxeen marka laga reebo tiro yar oo duruufo jira awgood u bixi waayay, isagoo intaasi raaciyay inaysan jirin ilaa hadda cid la dhibaateeyay.

Arrintan, ayaa timi xilli ilaa xalay gacan ku haynta magalada ka maqnayd dowladda Puntland, kadib marki mallayshiyaad hubaysan la wareegeen galinkii dambe maalintii Isniinta 14 Maarso.

Puntland oo dhacdadan ka hadashay ayaa ku eedaysay dowladda Federalka Somalia abaabulka mallayshiyaadkaasi, waxaana wasiirka amniga oo hadlay cadeeyay in Puntland amnigeeda ilaashan doonto.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM