​Puntland: Doonyo kalluumaysi oo lasoo bandhigay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOSASO-Taliyaha ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirasaaq Diiriye Farax,oo warbaahinta kula hadlayay magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, ayaa ka warbixiyay doonyo lasoo qabtay iyagoo jariif kawada nawaaxiga degmada Qandala gobolkaasi.

Admiral Cabdirasaaq, ayaa sheegay in doonyahan laga leeyahay dalka Iran, islamarkaana saarnaayeen dad uusan caddayn tiradooda kuwaasi oo Somali iyo ajaanib isugu jiray.

Wuxuu tilmaamay in sharciga la horgayn doono dhammaan dadkaasi oo xusay inay isku danbiyihiin.

Taliyaha, ayaa sidoo kale ammaanay shaqada ciidamada Badda Puntland isagoo ku sifeeyay halyeeyo dadka iyo dalka u adeegaya.

Cabdirasaaq Diiriye ayaa sheegay in shantaasi doonyood badda Puntland ku hayeen jariif islamarkaana ku xadgudbeen sharciga waddanka u yaalla.

Arrintan, ayaa timi xilli shalay qaylo dhaan xooggan katimi tuulada Marraya gobolka Nugal, halkaasi oo dadka deegaanka ka codeen jariiflayaa barriga soo gaaray islamarkaana rasaaseeyay shacabka iyagoo guranayay agab Kalluumaysiga u sahlaya.

Waxaana gudoomiyaha tuuladaasi Radio Garowe u xaqiijiyay in ciidamada badda Puntland oo lagu wargaliyay arrintaasi u sheegeen inaysan mandate u haysan wax ka qabashada jariiflayaashaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM