Puntland: Doorashada Guddoomiye ku-xigeenka MAP oo socota

Image

GAROOWE, Puntland- Ergada matalaysa Wariyaasha Puntland oo maalintii saddexaad shir uga socdo Garoowe, ayaa iminka guda gashay codaynta xilka Guddoomiye ku-xigeenka ururka warbaahinta Puntland ee MAP.

Labo murashax oo kaliya ayaa u taagan xilkaas, kuwaasoo kala ah; Yuusuf Maxamed Maxamud iyo Mukhtaar Cabdi Jaamac.

Murashaxiinta waxay sidoo kale goobta ka cadeeyeen inay aqbali doonaan natiijada oo ay ku kalsoonyihiin guddiga doorashada MAP.

Labada murashax ayaa soo jeediyay khudbado kooban oo ay uga hadleen taariikh nololeedkooda iyo khibradda warbaahineed ee ay leeyihiin, si ay u kasbadaan kalsoonida ergada oo kor u dhaafaysa 95 mudane.

Xilkan ayaa noqonaya kii 2aad ee ilaa maanta la doorto, waxaana ku xigi doona Xoghaynta iyo Khasnajiga oo ay u taaganyihiin murashaxiin Dumar ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM