​Puntland: Ergayga Midowga Yurub oo Garowe kulamo ku qaatay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Ergayga Midowga Yurub ee Somalia Michele Cervone d'Urso, ayaa maanta soo gaaray magalada Garowe caasumadda Puntland, wuxuuna la kulmay madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole iyo siyaasiyiin kala duwan. 

Safarkan Cervone, uu ku yimi maanta magalada Garowe ayaa la xiriirta qorshayaal lagu hormarinayo waxbarashada gaar ahaan barnaamij ay waddo hay'adda Care Internationala, balse dhaqaalaha ay bixinayso Midowga Yurub. 

Kulanka uu la qaatay siyaasiyiinta gaar ahaan Madaxweynihii hore Farole, waxay kawada hadleen arrimo la xiriira siyaasadda Somalia iyo doorashada 2016.

Shirarkan, ayaa daba socda kulamadii dhawaaan ka dhacay magalada Garowe ee looga hadlayay nidaamka la sheegay in lagu salayn habka wax ku qaybsiga beelaha, waxaana Midwga Yurub taageero siisaa dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM