Puntland: Faah faahin Qarax ka dhacay magaalada Galkacyo
GALKACYO, Puntland- Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa iminka dagan, kadib qarax xooggan oo maanta ka dhacay galinkii hore kaasoo lagu dilay saraakiil iyo ciidamado katirsan kuwa isku dhafka gobolka Mudug.
Weerarkan oo uu fuliyay ruux isku rakibay waxyaabaha qarxa ayaa lagu dilay AUN Taliyihii ciidamada Isku dhafka gobolka Mudug, Gaashaanle Sare, Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamud (Xoreeye).
Sidoo kale waxaa Qaraxaas ku naf waayay sarkaal kale oo lagu sheegay inuu kamid ahaa hogaanka Saadka ciidamadaas oo magaciisa lagu sheegay, Gaashaanle Cabdiqani Axmed Geyre.
Guud ahaan 6 qof ayaa ku dhintay weerarkaas inta la xaqiijiyay oo ay ku jiraan dad shacab ah, waxaana ku dhaawacmay in ku dhawaad 10 qof.
Weerarka ayaa ka dhacay meherad kasoo horjeeda dhisme uu leeyahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya iyo Puntland, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana qaraxu dhacay iyagoo fadhiya goob meherad ah.
Wasiirka Amniga Puntland, Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowladd) oo ka hadlayay weerarkaas iyo qaabka uu u dhacay ayaa yiri, “Wuxuu ahaa nin xiran waxyaabo qarxa. Wuxuu u yimi ciidanka oo maqaayad shaah ka cabaya, hawl maalmeedkoodana ku jira. Halkaas buu isku qarxiyay".
Mar uu ka hadlayay cidda ka dambaysay wuxuu ku eedeeyay ururka Al Shabaab, "Waxaa dhibkan geystay dadkii nabad diidka ahaa"
Dhinaca kale kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas, waxayna ku baahiyeen barahooda Internet-ka inay beegsadeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya qaybtooda 21aad ayaa ka hadlay qaraxaas, waxayna tacsi u direen dadkii ku geeriyooday weerarkaas.
Axmed Maxamed Guuleed, Taliyaha Wacyigalinta iyo isku xirka Bulshada ee ciidamada dawladda Federalka Soomaaliya qaybta 21Aad ayaa tilmaamay inay u taagnaan doonaan u shaqaynta shacabka islamarkaana sii wadi doonaan howlaha nabadaynta gobolka Mudug.
“Ku argagixi mayno, waxaan u taagnaan doonaa difaaca dalkan, waligayo ayaan u dhiman jirnay ilaa 77 waana u dhimanaynaa hadda.” Ayuu yiri Baaraaf.
Guuleed ayaa sidoo kale isagoo sii hadlaya, wuxuu ammaanay ciidamadan oo uu tilmaamay inay waxbadan ka badaleen amniga iyo isu socodka bulshada ku dhaqan magaalada Galkacyo.
“Galkacyo oo ay xabaddu ka dhacaysa, la isu gudbi Karin dad is dhexmari Karin ayaa ciidamadu howlgaleen, waana aragtaan hada sida noloshii u soo laabatay oo ganacisigii soo laabtay oo dadku is-dhexmarayaa.”
Taliyahan oo warbaahinta kula hadlayay goobtii Qaraxu ka dhacay ayaa sheegay inay ka fiirsan doonaan goobaha ay tagayaan iyo qaabka ay u howgalayaan.
Ciidamada isku dhafka gobolka Mudug oo laga soo kala xulay maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa u xilsaaran xasilinta magaalada Galkacyo iyo soo afjarista colaadaha soo noq-noqday ee ka taagan gobolkaas, waxaana maamusha dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Weerarkan ayaa yimid xilli amniga magaalada Galkacyo uu aad u wanaagsanaa muddooyinkii dambe.
GAROWE ONLINE