Puntland: Faah faahin tirada dhimashada dagaalka Suuj iyo mallayshiyada gacanta lagu hayo

Image

GAROWE- Warsidaha Garowe Online ayaa faah faahin dheeraad ah ka helaya howl gal maanta ka dhacay deegaanka Suuj ee gobolka Nugal halkaasi oo ku sugnaayeen mallayshiyaad tiro ahaan gaarayay 100, waxaana weerar xooggan oo ciidanka amnigu ku qaadeen goob ay ku dhuumalaysanayeen sababtay in kooxda goobta laga sifeeyo.

Sarkaal katirsan ciidanka ka howlgalaya Suuj, ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in howlgalka lagu dilay 55 mallayshiyada katirsan, waxaana gacanta lagu dhigay 31 kale, halka 7 ruux firxadeed oo ciidamada amnigu wali baadi goobayaan.

Waxuu sheegay in howlgalka lagu guulaystay islamarkaana kooxahan gacanta lagu dhigay iyo maydkaba lasoo qaadi doono.

Wuxuu intaasi raaciyay inaysan jirin khasaaro xoggan oo dhankooda soo gaaray, balse howlgalka ku geeriyoodeen saddex kamid ah ciidamada difaaca Puntland, isagoo xusay in deegaankaasi laga sifeeyay burcad diimeed kusoo duulay carrada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM