​Puntland: Farole iyo Keating oo Garowe ku kulmay

Image

GAROWE- Waxaa maanta magalada Garowe ku kulmay Madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Farole iyo Ergayga gaarka ah Qaramada Midoobay u qabilsan Arrimaha Somalia Michael Keating iyagoo kawada hadlay xaaladda Somalia iyo aragtida ay ka qabaan nidaamka la sheegay in lagu salaynayo doorashada dalka ee 4.5. 

Waxaan kulankan oo ka dhacay oo xarunta PDRC, labada mas'uul ku wehelinayay qaar kamida golaha xukumaddii Farole iyo safiirrO kasocda waddamada daneeya arrimaha Somalia, waxana inta uu socday lagu gorfeeyay sababaha beesha caalamku ku doorteen in habkan la qaato. 

Madaxweyne Farole iyo siyaasiyiinta wehelinaysay ayaa wafdigan Garowe u yimid wadatashiga u sheegay inaan la aqbali karin nidaamkan, maadama uu baal-marsanyahay hishiiyadii horay loo galay, waxayna xuseen inuu ku tumanayo xuquuqda iyo rabitaanka shacabka Somaliyeed ee doonaya nidaamka degmooyinka in lagu saleeyo doorashada. 

Waxay ugu baaqeen beesha calamka inay dhex-dhexaad ka noqoto waxyaabaha kasocda Somalia, ee aysan qaadan rabitaanka dowladda Federalka ku fashilantay hogaaminta waddanka sida ay hadalka u dhigeen . 

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Somalia Micheal Keating, ayaa dhankiisa sheegay inay arrintani keentay duruufta dalka ka jira, waxuuna tilmaamay inay Puntland u yimaadeen qaabkii ay u ogaan lahaayeen fikirka dhinacyada kala duwan ee bulshada Puntland. 

Dhinaca kale kulamo uu la yeeshay bulshada rayidka ah ee Puntland iyo madax-dhaqameedyada ayaa kusoo dhaammaday "Qaata 4.5 iyo qaadan mayno", waxayna ku tilmaameen in habka beesha caalamka wado inuu yahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka u yaalla. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM