Puntland: Gaas oo eryay Agaasimayaasha Hay'adahii PSS iyo PIA

Image

GAROOWE, Puntland - Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] ayaa waxaa xilkii looga qaaday Agaasmiyaashii Hay'addaha Nabada Sugida Iyo Sirdoonka Puntland ee PSS-ta iyo PIA-da. 

Labada mas'uul ee uu xilka ka qaadey Madaxweyne Gaas waxay kala yihiin, Cabdirsaaq Ciise Xuseen [Khaatumo] oo ahaa Agaasimahii PIA-da iyo Cabdulaahi Aadan Maxamed [Cabdulaahi Ulle] oo ahaa Agaasimihii PSS-ta.

Hay’adaha sirdoonka Puntland ayaa muddo howlgab ka ahaa kadib markii Madaxweyne Gaas dowlada uu madaxda ka yahay ka waayeen misaaniyadii howlgalada ku gali lahaayeen.

“Xil ka qaadista madaxdaan ayaa waxba soo kordhineyn madaama ay howlgab ahaayeen hay’adahaan Afartii sano ee lasoo dhaafey.” Sidaas waxa Garowe Online u sheegey sarkaal ka tirsanaan jirey hay’adahaan.

Puntland ayaa xil ii sirdoonka uusan shaqeyn ayaa waxaa ka dhaca falal argagixiso iyo dulaano kooxaha argagixisada ah ku soo qaadaan ciidmada amniga

Hoos Ka Akhri War-saxaafadeed: 

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Hay'adaha PSS iyo PIA. 

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay'adaha PSS iyo PIA. 

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay'adaha PSS iyo PIA. 

Madaxweynaha Dawladda Puntland; 

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland. 

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay'adaha amniga. 

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta 

Wuxuu Xeeriyey: 

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay'ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo). 

2. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay'ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle). 

3. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu. 

=DHAMMAAD=

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM