Gaas oo kala diray Golihii deegaanka Gaalkacyo, kuwa kalena magacaabey

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwaynaha waqtigu ka dhamaanayo ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kala diray Gollaha deegaanka magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug, sida lagu shaaciyay wareegto xafiiskiisa kasoo baxday.

Sida ku cad wareegtadda, talaabadani waxay ka dambeysay markii uu Madaxwaynuhu latashi la sameeyay Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyigaee Puntland.

Gaas ayaa ku eedeeyay Gollaha deegaanka ee Galkacayo xil gudasho la’aan, isagoo ku tilmaamay "kuwa hanan-waayey shaqadii loo igmaday," inkastoo illaa iyo haatan aanan la haynin jawaab ay ka bixiyeen Gollaha.

Hoos ka akhriso wareegtadda:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 175, November 17 2018, ku kala diray Golaha Dagaanka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: in ay hanan-waayeen shaqadii loo igmaday.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa la kala diray Golaha Dagaanka

Degmada Gaalkacyo.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu

Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Dhanka kale, Madaxwaye Gaas ayaa maamul cusub oo KMG ah u magacaabay magaalada Galkacayo kadib markii uu kala diray Golihii degaanka ee xarunta gobolka Mudug.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xeer Madaxweyne Lr. 176, November 17 2018, ku magacaabay Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo inay sii socoto shaqada Degmada Gaalkacyo.

Markuu Qiimeeyey: Tala soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudahada, Dowladdaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Wuxuu Xeeriyey.

1. Waxaa Yaasiin Cabdisemed Cumar si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Gaalkacyo.

2. Waxaa Maxamed Cabdinaasir Cigaal Xirsi si ku meel-gaadh ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka degmada Gaalkacyo.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu

Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM