​Puntland: Gaas oo magacaabaya guddiga doorashooyinka

Image

GAROWE, Puntland-  Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa maanta galinka dambe ku dhawaaqaya guddiga doorashooyinka Puntland, kuwaasi oo ka kooban 9 xubnood, balse madaxweynuhu xaq u leeyahay magacaabista shan kamid ah, halka afarta kale ka imaanayo Barlamanka.

Wararka uu helayo Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in xubnaha madaxweyne Gaas magacaabayo ku jiro, Agaasimihii hore Puntland TV, Axmed Maxamed Cali Kismayo, kaaso kamid ah wariyaasha rug cadaaga ah ee Puntland. 

Madaxweynaha Puntland, ayaa horay u sheegay inuu samaynayo guddiga doorashooyinka, waxayna kamid ah waxyaabihii loollanka ku galay xilligii uu murashaxa ahaa 2014 inuu dalka gaarsiin doono nidaamka axsaabta badan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa lafilayaa inuu barri 16 Febraayo, 2016, u dhoofo dalka Ethopia. 

Liiska xubnaha u magacaabi doono Cabdiwali Maxamed Cali, waxaan idiin kusoo gudbin doonnaa wararkeena dambe. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM