Puntland: Gaas oo gudoomiye u magacaabey gobolka Nugaal

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Calii Gaas ayaa magacaabey gudoomiyaha gobolka Nugaal, xilli Xukuumadiisa waqtiga kasoo dhamaanayo ay wajahayso eedeymo musuq-maasuq iyo fashil amni.

WAR SAXAAFADEEDKA:

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 24 Sep 2018 magcaabay Guddoomiyaha Gobola Nugaal.

Xeer Madaxweyne Lr.132 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Nugaal

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Dilay Madaxii Qaraxyada Kooxda Daacish

Waxay intaas ku dareen in inta badan khubaro ISIS u qaabilsanaa qaraxyada gobolka la dabar gooyay, ayna ciidamada amniga...

  • Puntland

    12-11-2025

  • 09:45AM

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM