Puntland: Gaas oo sameeyay magacaabis xilli uu kursiga ka degayo

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas], ayaa isbedello iyo magacaabis cusub sameeyay xilli mudo-xileedkiisa uu kursiga ku baneynayo uga hartay 4 bilood.

Wareegtada 1aad:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

Xeer Madaxweyne Lr. 110 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid Agaasime Waaxeedyo Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoontooda iyo khibradooda shaqo

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Maxamed Siciid Maxamed (Black) loo magacaabay Agaasimahad Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasadda ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

2. Waxaa Maxamed Cali Muuse loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kalluumaysiga iyo Horumarinta ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

3. Waxaa Daahir Faarax Xuseen loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi Baarista ee Wasaaradda Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu.

WAREEGTADA 2AAD:

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo Magacaabay La-taliyaha Hay'adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA).

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu xafiiskiisa kasoo saaray 23 August 2018 ku magacaabay La-taliyaha Hay'adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA).

Xeer Madaxweyne Lr. 112 August 23, 2018, kuna saabsan magacaabid La-taliye Hay'adda Jidadka Dowladda Puntland ee (PHA).

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markay tixgeliyey: Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo

Waxuu Xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Maxamed Xasan loo magacaabay la-taliyaha Hay'adda jidadka Dowadda Puntland ee (PHA).

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay madaxweynuhu.

Madaxweyne Gaas ayaa mudooyinkii dambe ku mashquulsanaa magacaabis uu xilal ugu dhiibayo dad isaga ku dhaw oo horey balan-qaadyo ugu sameeyay iyo rag kale oo ku heeb ah, oo shaqooyin u abuurayo kahor inta uusan xafiiska baneynin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo qabtay Ajaaniib sameynayay Kalluumaysi Sharci-darro ah 

Safaaradda Yemen ee magaaladda Muqdisho iyo hay’adaha kale ee Soomaaliyeed ayaa lagu wargeliyay arintan.

  • Puntland

    26-05-2025

  • 08:01AM

Deni: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu khatar Ku yahay Nidaamka Federaalka iyo Jiritaanka Jubaland

Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu wado qorshe doorasho uu maamulkeeda kaligiis leeyahay, natiijadeedana uu sii ogyahay.

  • Puntland

    14-05-2025

  • 12:11PM