Puntland & Gal-Mudug oo ka heshiiyay xiisadii Gaalkacyo [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

02 December, 2015(GO)- Madaxwaynayaasha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Gal-Mudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ku kala saxiixday garoonka diyaaradaha Gaalkacyo afar qodob oo saldhig u ah wada hadalkii maalmahan laga dhex waday.

Heshiiska labada mamul gaareen, waxaa goobjoog ahaa Ra'iisul Wasaraha DF Cumar Cabdirashiid Sharmarke, wakiilada ka socda Midowga Yurub, Midowga Africa, IGAD,QM iyo Itoobiya sidoo kale waxaa wada hadalka qayb ka ahaa madaxda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Odawaa ayaa qodobada lagu heshiiyay saxaafada u akhriyay kuwaasoo dhaqan galintooda isla maanta laga bilaabayo.

  • In ciidanka la kala qaado.
  • In xabadda la joojiyo.
  • In dib loosoo celiyo qoysaskii barakacay iyo in guddiyo labada dhexe iyo DFS la sameeyo oo xiisada guul muuqata ka gaara.

Wasiirka koowaad ee dalka Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa soo dhaweeyay dadaaladii la waday inay guul kusoo dhammaadaan waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay labada dhinac inay dhaqan galiyaan heshiiska maanta oo Arbaco ah la wada gaaray.

Wakiiladda beesha caalamka ka socday oo hadalo kooban la siiyay ayaa sheegay inay rajo wayn u tahay wada hadalka oo guulaystay.

Madaxda Puntland iyo Gal-Mudug ayaa dhankooda sheegay inay ku faraxsan yihiin in xal laga gaaro xiisadii ka taagnayd magalada Gaalkacyo.

Hadalada Gaas iyo Guuleed ayaa u muuqday inay ahaayeen kuwo is-duraya marka loo eego qaabka ay hadalka u dhigayeen.

Heshiiska Puntland iyo Gal-Mudug ayaa kusoo aadaya xilli saakadii hore ciidanka Gal-Mudug magalada ku dileen Askari dhanka Puntland ka tirsan iyadoona wararka GO uu helayo sheegayaan in ciidanka Puntland ay jawaab ka bixiyaan oo labo askari ka dileen dhanka kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Xasan Sheekh ugu baaqey inuu Dhowro Ballanqaadkiisa hore

Baaqan wadahadal wuxuu yimid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay isbahaysiga Puntland, Jubbaland.

  • Puntland

    27-04-2025

  • 09:05AM

Maxay tahay sababta Puntland uga qeybgalaynin Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran?

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala kulmaya beesha Caalamka cadaadis ku aadan mideynta dalka iyo xalinta khilaafaadka.

  • Puntland

    26-04-2025

  • 11:54AM