Puntland- Ganacsade qarax lagula beegsadey magalaada Galacakayo

Image

GALKACAYO, Puntkand- Qarax ka dhacay  magaalada Gaalkacayo ayaa waxaa ku dhintay nin ganacsade ah oo magaciisa la yiraahdo  Cabdirisaaq Muuse Nuur( Jaxeer) kadib markii qarax lala beegsadey gaarigiisa.

Wararka GO ay ka helayso Galkacayo ayaa sheegaya in ganacsadahaan ka tirsanaa guddiyo kala duwan kuwasoo kamid ahaayeen guddi qaabislan dib u dhiska Isbitaalka guud ee magaalada Galkacyo halka uu xubin ka ahaa guddiga abaaraha.  

Dilka Ganacsadahaan ayaa waxaa saxaafada u xaqiiyey Taliyaha Qaybta gobolka Mudug.

AHN Cabdirizaq Muuse Nuux ayaa wararku sheegayaan inuu la dhashey Xildhibaan Sanyare oo horey uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dilal qorshaysan ayaa maalmahan ka dhacayey Gaalkacayo iyadoo ciidamada amaanka Puntland ay wadaan howgalo lagula tacaalayo amni darrada soo foodsaartay.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM