​Puntland: Go'aamo laga soo saaray bar-kantarool Garowe

Image

GAROWE- Dowladda Puntland, ayaa maanta go'aamo kasoo saartay muranka ka dhashay bar-kantarool oo loo raray deegaanka bixin ee Waqooyi Galbeed magalada Garowe, waxaaan war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada lagu sheegay in deegaankaasi yahay dhul daaqsimeed aan loo ogolayn in la deegameeyo.

Amarkan oo soo saaray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa ka koobnaa lix qodob, waxaana ku xusnaa in dhammaan howlihii deegaanka kasocday la hakiyay.

Wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha iyo Deegaanka, ayaa sidoo kale amar lagu siiyay inay tir-tiraan dhammaan calaamadaha muujinaya deegamaysiga, iyadoo halkaasi laga mamnuucay in lagu arko shakhsiyaad hubaysan oo aan ka tirsanayn ciidamada daraawiishta Puntland.

Amarkan, ayaa soo baxay xilli muran ka taaganyahay Kantarool loo raray deegaanka bixin oo dhacda Waqooyiga Galbeed Garowe.

Hoos ka akhriso amarka laga soo saaray arrinta barta-kantarool


GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM