​Puntland: Goobaha waxbarashada oo barri la fasaxay

Image

GAROWE- Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Abshir aw-Yusuf Ciise, oo maanta la hadlay warbaahinta kula hadlay magalada Garowe caasumadda Puntland, ayaa iclaamiyay in barri oo taariikhdu ku beegantahay 25 Febrayo, 2016 la fasaxay goobaha waxbarashada iyo shaqaalaha ka howl gala dugsiyada. 

Fasaxan, ayaa wasiirku u aaneeyay Roob doon deegaanada Puntland ka dhacaysay 25 bishan, wuxuuna ku baaqay in laga qayb qaato si EEBBE loo weydiisto cafis iyo roob dalab.

Abshir aw-Yusuf Ciise, ayaa dhanka kale ka hadlay waxbarashada Puntland iyo heerka marayso, wuxuuna sheegay inay meelwanaagsan marayso islamarkaana uu xawli kusocdo cadadka ardayda waxbarata, taasoo u sababeeyay amniga iyo kala dambaynta kajirta deegaanada Puntland. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM