​Puntland: Guddi kala saaraya maxaabiista oo la magacaabay

Image

GAROWE- Kulan maanta isugu yimaadeen saraakiisha amniga Puntland gaar ahaan Boliiska iyo laamaha garsoorka ayaa looga hadlay xaaladda amni iyo qaabka loo kala saarayo maxaabiista lagu soo qabto howlgallada ciidamada  amniga oo qaybtood ku eedaysanyihiin falal la xiriira Shaabaabnimo.

Shirkan ayaa lagu shaaciyay guddi la magacaabay oo shaqadoodu tahay kala saarista dadka howlgalka lagu soo qabto kuwaasi oo saraakiishu u kala saareen saddex qaybood oo kala ah;

1-Tuhmane Alshabaab

2- Dambi laawe

3- Iyo tahriibe.

Howlaha lagu xaqiijinayo tuhunka maxaabiistaasi ayaa waxaa garwadeen ka hay'adda dambi baarista Puntland CID-da.

Taliyaha ciidanka Boliiska Puntland General Cabdirasaaq Afgaduud, ayaa kulanka kadib warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in shirkan uga arrinsanayeen sidii loo xoojin lahaa ammaanka Puntland iyo qaabkii looga hortagi lahaa falalka kooxaha nabad diidka ah.

Shirkan, ayaa kusoo beegmay xilli maanta wasiirka amniga Puntland shaaciyay in ku dhawaad 100 qof oo kooxda Shabaab u qaabilsan dilalka qorshaysan shacabka ahaan usoo galiyeen deegaanada Puntland , isagoo xusay inay qabteen 55 kamid ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM