Puntland: Guddi xalin khilaafaad oo la magacaabay

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland oo loo garan-og-yahay TPEC ayaa Isniinta maanta ah waxay magacaabeen guddi xalin khilaafaadka iyo cabashooyinka.

Sidda ku xusan qoraal kasoo baxay fadhi ay yeesheen xubnaha sarre ee guddiga, waajibaadka guddiga xalinta khilaafkaadka waa doorashooyinka goleyaasha degaanka ee soo aadan.

"Guddigan oo sagaal xubnood ka kooban afar xubnood waxay ka imaanayaa guddiga sarre ee TPEC, 5-ta xubnood kalana waxay ka imaanayaan qeybaha bulshada," ayaa lagu yiri qoraalka.

Si guud, sagaalka xubnood ee guddigana kamidka ah, sidda ku cad bayaanka, waxaa dumar ka ah laba kaliya kuwaas oo kala ah; Xafso Salaad Maxamed iyo Sareedo Maxamed Xasan Jayte.

Doorashooyinka goleyaasha degaanka Puntland oo qorshuhu yahay in ay ku qabsoomaan hanaanka qof iyo cod waxaa kawada qeybgalaya 10 urur siyaasadeed oo shuruudaha soo buuxiyey.

Ururadaas ayaa durba waxay bilaabeen olole xooggan oo ay ku doonayaan in ay ku hantaan goleyaasha degaanka degmooyinka, iyadda oo ay xigi doonto doorashadda baarlamaanka oo aad u adag.

Kadib 23-sano oo ay ku dhaqmeysay nidaamka awood qeybsiga beelaha 4.5, dowladda Puntland ayaa u muuqata mid qarka u saaran in ay soo gabagabeyso habkaas curyaamiyey horumarka dowladnimo.

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM