​Puntland: Hay'adda shaqaalaha rayidka ah oo imtixaan qaaday

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Hay’ada Shaqaalaha Rayidka ah ee Puntland (Puntland Civil Service Commission) ayaa maanta qaaday imtixaankii Madaxqaybeedyada Xisaabaadka (Finance Unit Heads)ee 9 Hay’adaha iyo Wasaaradaha qaybta ka ah mashruuca tayaynta iyo shaqo qorista oo uu Bangiga Aduunku maal galinayo, kaasi oo uu xiriirinayo Mashruuca Guddiga isku dubaridka iyo xiriirinta (Project Coordination Unit-PCU) ee xafiiska Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha rayidka Mudane Mustafe Siciid Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in ay Hay’adu ku hawlantahay dardargalinta nidaamka shaqo qorista, isagoo intaas raaciyeey inay hore u soo qaadeen imtixaanaadka labo boos kuwaas oo kala ah, Madaxqaybeedka Shaqada iyo Shaqaaalaha (HR-Unit Heads) iyo Madaxqaybeedyada iibka(Procurement Unit Heads).

Imtixaankan oo saaka ka dhacya xarunta Libareriga ee magaalada Garowe, waxaa u fariistay 52 qof oo 14 dumar tahay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in  dhawaan laguda galidoono qaadida imtixaanaadka boosaska dhiman oo kala ah Madaxqaybeedka Dabagalka iyo Qiimaynta (Monitoring and Evaluation Unit Heads), Madaxqaybeedka farsamadda kombuutarka (ICT Unit Heads), Madaxqaybeedka Qorshaynta iyo Siyaasadda( Planning and PolicyUnit Heads) iyo Agaasimayaal (Directors).

Shabac  ayaa ugu danbayntii tilmaamay in imtixaanku yahay mid caddaalad ah islamarkaasna inta ugu saraysa u gudbidoonaan wareega labaad oo ah waraysiga (Job Interview).

Imtixaankan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu tayaynayo shaqaalaha dowladda, waxaana xukuumadda Puntland shaacisay in booskasta oo loo baahdo si siman ugu tartami doonaan shacabka Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM