Puntland: Waftiga Suldaan Garase oo Qarxis kulamo ka bilaabey [Dhageyso]

Image

June 27, 2015 (GO)- Waan waan ayaa ka socota tuulada Qarxis, halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidan kale oo uu hoggaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland Gen. Muxiyaadiin Axmed Muuse.

Wafdi uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka kooban ku dhowaad soddon xubnood isuguna jira nabadoonno, cuqaal, culimaa'uddiin iyo siyasiyiin ayaa ku sugan tuulada Qarxis.

Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo kamid ah waxgaradka Qarxis ku sugan ayaa Radio Garowe uga warbixiyey meesha ay wax marayaan.

Wuxuuna sheegay inay kulammo gaar-gaar ah la qaateen odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, ayna kala hadleen sidii xiisadda halkaas ka taagan loo qaboojin lahaa.

Nabadoonku wuxuu sidoo kale sheegay in Suldaan Garaase iyo xubno culimo ahi la kulmeen saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan.

Khaliif Aw-Cali ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dadaallada nabadeynta ee Qarxis ka socda, isagoo xusay inuu filayo in dhowaan khilaafka jira xal rasmi ah laga gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM