Puntland: Waftiga Suldaan Garase oo Qarxis kulamo ka bilaabey [Dhageyso]

Image

June 27, 2015 (GO)- Waan waan ayaa ka socota tuulada Qarxis, halkaasoo ay isku hor fadhiyaan ciidamo dowladda ka tirsan iyo ciidan kale oo uu hoggaaminayo taliye ku-xigeenkii hore ee booliska Puntland Gen. Muxiyaadiin Axmed Muuse.

Wafdi uu hoggaaminayo Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka kooban ku dhowaad soddon xubnood isuguna jira nabadoonno, cuqaal, culimaa'uddiin iyo siyasiyiin ayaa ku sugan tuulada Qarxis.

Nabadoon Khaliif Aw-Cali oo kamid ah waxgaradka Qarxis ku sugan ayaa Radio Garowe uga warbixiyey meesha ay wax marayaan.

Wuxuuna sheegay inay kulammo gaar-gaar ah la qaateen odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, ayna kala hadleen sidii xiisadda halkaas ka taagan loo qaboojin lahaa.

Nabadoonku wuxuu sidoo kale sheegay in Suldaan Garaase iyo xubno culimo ahi la kulmeen saraakiisha kala hoggaamineysa labada ciidan.

Khaliif Aw-Cali ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey dadaallada nabadeynta ee Qarxis ka socda, isagoo xusay inuu filayo in dhowaan khilaafka jira xal rasmi ah laga gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM