Puntland: Isimo tagay gobolka Gardafuu

Image
Image
Image
Image

BAARGAAL- Muddo ku siman saddex casho waxaa gobolka Gardafuu kusugan wafdi isugu jira Isimo, Cuqaal iyo waxgarad, kuwaasi oo u jeedku yahay qaabkii loo caawin lahaa dhibtaada ka jirta gobolka dhaca Bariga fog ee Puntland.

Islaan Maxamud Islaan Yaasiin, oo kamid ah dhuub dhaqameedka dhibka gobolkaasi isu xilsaaray ayaa Radio Garowe uga waramay dhibaatada ka jira goobaha ay tageen, wuxuuna sheegay inay soo arkeen marxalad xanuun badan oo u baahan in loo gurmado.

Wuxuu tilmaamay inay isu xilqaameen qaabkii usoo uruurin lahaayeen xog kusaabsan nolosha rasmiga ah ee gobolka Jirta, isagoo xusay inay yeelan doonaan shirar dambe oo kusaabsan qaabkii dadkaasi loogu gurman lahaa.

Islaam Maxamud, ayaa ka dayriyay isu socodka gaadiidka iyo dadka maadama waddooyinkii la isaga tallaabi jiray bur-buriyeen duufaantii sannadki hore ku dhufatay, wuxuuna sheegay inay indhaha ka qaadeen dad badan oo cayroobay.

Mar uu ka hadlay Kalluumaysiga bad-dhacayaasha kusugan Gardafuu, wuxuu tilmaamay inaysan jirin cid si toos ah u kalluumaysi tagta, isagoo u sababeeyay Jariiflayaal kusugan xeebaha gobolkaas.

Dowladda Puntland, ayuu xusay inaysan ka muuqan deeqo la gaarsiiyay dadka deegaanka, isagoo cadeeyay in lacag dhan $40,000 soo gaarsiiyeen shacabka weynaha reer Puntland.

Baaq xooggan ayuu Islaam-ku u diray dhanka shacabka iyo dowladda isagoo ku booriyay in dhaqso loo soo gaarsiiyo wixii loo awoodo, maadama ay ku jiraan duruufo adag.

Booqashada madaxdhaqameedkan, ayaa timi xilli dhawaan duufan ku dhufatay gobolkaas oo kasoo kabanayay khasaarihii ay reebeen duufaanihii dhacay  dabayaaqadii 2013 iyo 2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo ku baaqey in la ilaaliyo Xasiloonida iyo Midnimada Jubaland

Madaxweyne Deni ayaa u hambalyeeyay Axmed Madoobe isago u rajeeyay inuu ku guuleysto waajibaadka loo igmadey.

  • Puntland

    25-11-2024

  • 02:01PM

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM