Puntland iyo Denmark oo ka shiray dambiyadda ka dhaca Badda Cas

Image
Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

NAIROBI, Kenya - Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire ayaa kulan la qaatay madax ka socota safaaradda Dalka Denmark ee Kenya.

Taliyaha Booliska Puntland iyo madaxda Safaaradda Denmark ayaa ka wada hadlay sidii looga hor-tagi lahaa Dembiyadda abaabulan ee ka dhaca Badweynta Hindiya iyo Badda cas ee xiriira falalka burcad-badeedka.

Kulanka Taliyaha waxaa kala qeyb-galay, Agaasimaha Hay'adda PISF, Gen. Amiin Xaaji Kheyr, Taliye ku-xigeenka Hoggaanka Dembi-baarista CID ee Booliska Puntland G/Sare Abshir Xuseen iyo Wakiilka Dawladda Puntland ee dalka Kenya Maxamed Rashiid Fagalade.

Taliyaha Booliska Puntland Gen. Mumin Abdi Shire ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya ayaa kulamo la qaatay madax kala duwan oo ka tirsan Dawladaha dhinaca amniga ka taageera Puntland.

Dhinacyadii uu la kulmay Taliyaha Booliska Puntland ayaa dhammaantood ka wada hadleen arrimaha la dagaalanka Argagixisada, Burcad-badeedka, Tahriibka iyo waxyaabaha sharci-darada ah, waxaana lagu wadaa inta uu halkaas ku sugan yahay inuu hawlo muhiim ah ka qabto taageerida Hay'adda amniga ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM