PL iyo dowlada Federaalka oo shir uga furmey Garowe [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image

GAROWE April 11,2015 (GO)- Shir wada tashi ayaa saaka uga furmey xarunta wasaarada caafimaadka Garowe iyadoo ka qeyb galeen madaxweynaha Puntland iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay labo guddi oo ka kala socda dowladda Federalka iyo Puntland, kuwaas oo ka doodaya qodobada miiska u saaran labada dhinac.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa khudbado ka jeediyay furitaanka shirka, waxayna guddiyada labada dhinac ku booriyeen inay natiijo wax ku ool ah kasoo saaraan arrimaha laga wada tashanayo.

Dowladda Puntland ayaa shirkaan waxaa uga qeyb galay wasiiradda Maaliyadda, waxbarashada, warfaafinta, howlaha guud iyo gaadiidka iyo xubno kale dhinaca dowladda Federalka waxaa uga qeyb galay Wasiirada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Boostada iyo Isgaarsiinta, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Batroolka iyo Macdanta, Xanaanada Xoolaha, Dastuurka iyo Wasiiru dowladaha Gaashaandhiga.

Madaxwaynaha Puntland  oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi furintaankiisiii ayaa soo dhawey Ra'iisul wasaraha Soomaliya iyo wafdigiisa wuxuuna sheegay in ay soo dhawaynayaan qodabada laga wadda hadli doona.

Rai'sul wasaraha Somaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey qodobadda laga doodi doono shirkaasi waxaa kamid ah.

1-Fulinta heshiisyada horay loo galay.

2-Dib u eegista Dastuurka.

3-Shuruucda laga soo saarayo Federaalka iyo Guddiyada saamaynta ku leh dawladaha xubnaha ka ah Federaalka.

4-Qaab dhismeedka loo samaynayo Dawlad goboleedyada oo laga yeesho aragti midaysan, waxaana Puntland ay sheegtay inaysan sinaba u aqbalayn in maamulada Federaalka ee dhismaha ay hareermaraan dastuurka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed.

5-Iyo Dhismaha ciidamo qaran oo Soomaaliyeed.

Kulankaan ayaa yimid kadib markii heshiisyo horey u dhexmarey labada dhinac aysan waxba ka hirgalin.

Dowlada Federaalka ee madaxweyne Xasan Shiikh ayaan fulin dhamaan heshiisyadii ay la galeen dowladaha ka tirsan Federaalka iyadoo doorashoyin la filayo 2016 muddo kooban ka dhiman dhiman tahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo mamnuucdey 1XBET iyo lambarada gaarka ah

Go'aankani wuxuu ka jawaabayaa walaaca sii kordhaya ee uu keeno khamaarka, gaar ahaan dhalinyarada.

  • Puntland

    24-11-2024

  • 04:24AM

Digniin laga soo saarey ajaaniib ka yimd lix dal oo ku biirey ISIL-Somalia

Illo wareedyo dhanka sirdoonka ah ayaa xaqiijiyey in dableydan cusub ay tageen buuraleyda Cal Miskaad ee Puntland.

  • Puntland

    21-11-2024

  • 05:22AM