Puntland iyo Finish Red Cross oo ka shiray gurmadka abaaraha

Image
Image
Image
Shirka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Finish Red Cross oo ay hoggaaminayso Madaxa Hay’addaasi ee Soomaaliya Terhi Heinasmaki, ayna qeyb ka yihiin Madaxda Hay’adda Bisha Cas ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha gargaarka, gurmadka Abaaraha iyo horumarinta habka wada shaqeyn ee Dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeynaya arrimaha bani’aadantinimada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Awooda Dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya la gaarsiiyo heer loo diyaariyo in laga jawaabi karo masiibooyinka dabiiciga ah ee yimaada Iyadoo Istiraatijiyad arrintaasi lagu hirgelinayo laga shaqeynayo.

Shirka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM