Puntland iyo Finish Red Cross oo ka shiray gurmadka abaaraha

Image
Image
Image
Shirka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Finish Red Cross oo ay hoggaaminayso Madaxa Hay’addaasi ee Soomaaliya Terhi Heinasmaki, ayna qeyb ka yihiin Madaxda Hay’adda Bisha Cas ee Puntland.

Kulanka ayaa looga hadlay Arrimaha gargaarka, gurmadka Abaaraha iyo horumarinta habka wada shaqeyn ee Dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeynaya arrimaha bani’aadantinimada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa muujiyay muhiimada ay leedahay in Awooda Dowladda iyo Hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya la gaarsiiyo heer loo diyaariyo in laga jawaabi karo masiibooyinka dabiiciga ah ee yimaada Iyadoo Istiraatijiyad arrintaasi lagu hirgelinayo laga shaqeynayo.

Shirka waxaa Madaxweynaha kala qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, La taliyeyaal Madaxweyne iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM