Puntland iyo Galmudug oo ka shiray nabada Gaalkacyo

Image
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo ku qaabilay Wafdi ka socda Galmudug.

GAALKACYO, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ee Gaalkacyo ku qaabilay Wafdi ka socda Dowlad goboleedka Galmudug oo ka mid ah Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wafdiga Galmudug oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan, waxaa ay isugu jireen Wasiiro, Saraakiil Ciidan, Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Galmudug Iyo Guddoomiyaha degmada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug iyo xubno kale .

Kulanka ayaa looga hadlay sii xoojinta ka wada shaqeynta nabadgelyada, amniga, isu-socodka , ganacsiga iyo horumarka degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug, iyo in Puntland iyo Galmudug ay sii wadaan dadaalkooda ku aadan in la xaliyo dhammaan colaadaha qabiil ee Gobolka kusoo noqnoqday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM