​Puntland iyo Galmudug oo shir ku leh Koonfur Galkacyo

Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Waxaa wali magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug si habsami leh uga socda shirka u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug kaasoo looga hadlayo amniga iyo sidii loo dhammaystiri lahaa heshiisyadii ay horey u gaareen labada dhinac.

Kulankan waxaa hormuud ka ah Madaxweyne ku-xigeennada labada maamul oo ay wehelinayaa, Xildhibaano, Wasiirro, maamullada gobolka, degmooyinka, Nabadoono, waxgarad iyo haween.

Shirka ayaa lagu lafo guryaya sidii xal waara loogu heli lahaa khilaafaadka soo noq noqdey ee muddo ka taagnaa gobolka gaar ahaan xiisadii ugu dambaysay ee dhexmartay dad reer guuraa ah oo kasoo jeeda labada maamul.

Kulanka oo shalay furmay ayaa hadal ay jeediyeen labada dhinac waxay ku sheegeen in si dhab ah looga hadlo mushkiladda gobolka Mudug, hadii la doonayo in la helo xal waara.

Madaxweyne ku-xigeenada labada dhinac oo goor sii horeysay hadlayay ayaa iyaguna sheegay inay doonayaan sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dadka walaalaha ah ee ku nool gobolkan.

Isu imaatinka labad dhinac ayaa markii hore lagu qabtay dhinaca Puntland, balse maanta waxa uu ka soconayaa hotel Five Star oo ku yaalla dhinaca Galmudug, waxaana dibadda ka jooga warbaahinta, kuwasoo lagu wargaliyay in loo yeero marka uu soo dhammaado shirkaas.

Maaha markii ugu horeysay mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug ay shir ku yeeshaan darafyada magaalada Galkacyo, xilli la raadinayay xalka khilaafka ka taagan gobolka Mudug.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli Madaxweynayaasha labada maamul ay ka maqanyihiin kulanka iyagoo arrintaas usoo wakiishay ku-xigeenadooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM

Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 01:39PM