Puntland iyo Hay'adda FAO oo ka shiray xoojinta xiriir wadashaqeynta

Image
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgaley xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Puntland.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Cuntada iyo Beeraha Adduunka (FAO) ee Soomaaliya Étienne Peterschmitt iyo wafdi uu hoggaaminayo. 

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeyn ee Dowladda Puntland iyo FAO iyo mashaariicda Hay’adda FAO kala shaqeyso Hay’adaha Dowladda sida horumarinta Beeraha, Kalluumeysiga, Xoolaha, Biyaha, illaalinta deegaanka, isbedelka Cimilada iyo qodobo kale. 

GAROW EONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM