Puntland iyo IGAD oo xoojinaya iskaashiga kana shiray xaalka dalka

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mudane Mohamed Ali Guyo.

Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Khamiistii, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu ka warbixiyey kulan uu magaalada caasimadda ah ee Nairobi kula yeeshay safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa fahfaahin looga bixiyey qodobada looga hadlay kulanka danjire Ben Fender Obe.

"Waxaan kulan casho ah kula qaadanay Danjiraha Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u fadhiya Soomaaliya, mudane Ben Fender Obe," ayaa lagu yiri bayaanka oo Garowe Online uu arkay.

Britain ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya gaar ahaan Puntland kana fuliya mashaariicyo badan oo muhiim ah.

"Waxaan ka wada hadalnay mashaariicda Ingiriiska ee horumarined ee taabanayso dhinacyada caafimaadka xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha," ayuu ku daray qoraalka xafiiska Deni.

Jimcadii, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo la kulmay safiirka France u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Aline Kuster-menager, ayaa waxay kawada hadleen masiirka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM