Puntland iyo IGAD oo xoojinaya iskaashiga kana shiray xaalka dalka

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Nairobi Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mudane Mohamed Ali Guyo.

Madaxweyne Deni iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Mohamed Ali Guyo ayaa kulankooda uga wadahadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, wadashaqaynta IGAD iyo Puntland, mashaariicda horumarineed ee IGAD ka taageerto Puntland, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Khamiistii, madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa wuxuu ka warbixiyey kulan uu magaalada caasimadda ah ee Nairobi kula yeeshay safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa fahfaahin looga bixiyey qodobada looga hadlay kulanka danjire Ben Fender Obe.

"Waxaan kulan casho ah kula qaadanay Danjiraha Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska (UK) u fadhiya Soomaaliya, mudane Ben Fender Obe," ayaa lagu yiri bayaanka oo Garowe Online uu arkay.

Britain ayaa kamid ah dowladaha saaxiibka dhow la ah Soomaaliya gaar ahaan Puntland kana fuliya mashaariicyo badan oo muhiim ah.

"Waxaan ka wada hadalnay mashaariicda Ingiriiska ee horumarined ee taabanayso dhinacyada caafimaadka xoolaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha," ayuu ku daray qoraalka xafiiska Deni.

Jimcadii, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo la kulmay safiirka France u qaabilsan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, Aline Kuster-menager, ayaa waxay kawada hadleen masiirka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo ku eedeysay DFS inay waddo qorshe lagu wiiqayo amnigeeda

Puntland ayaa sheegtay in isku daygii ugu horreeyay uu dhacay xilligii dagaalladii ka dhacay buuraha Calmiskaad bishii December 2024.

  • Puntland

    21-07-2026

  • 11:56AM

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM