Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Image
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya, iyo arrimaha Puntland, sida Dimuqraadiyadda Puntland, dardargelin mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM