Puntland iyo Ingiriiska oo kawada hadlay xoojinta xiriirka labada dhinac

Image
Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya, Danjire, Michael Nithavrianakis iyo Wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya gaar ahaan geedi socodka Dowlad dhiska Soomaaliya, iyo arrimaha Puntland, sida Dimuqraadiyadda Puntland, dardargelin mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland iyo xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM