Puntland iyo Interpol oo iska-kaashaday qabashada eedeysane baxsad ahaa

Image
Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan dilka marxmuum Axmed Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo 17-05-2023 ka dhacay magaalada Garowe.

GAROWE, Puntland - Taliska Qaybta booliska Gobolka Nugaal ayaa lawareegay eedeysane baxsad ahaa oo si dhuumaaleysi ah ugu gudbay dalka Kenya.

Shaqsigan ayaa Arbacadii shalay ahayd waxaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Garowe.

Eedaysane Maxamed Cumar Ciise ayaa ku eedeysan dilka marxmuum Axmed Cabdullaahi Maxamuud Faarax oo 17-05-2023 ka dhacay magaalada Garowe.

Qabashadiisa ayaa waxaa iska kaashaday Ciidanka Booliska Aduunka ee Interpol,Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Mumin Abdi Shire,Laanta Danbi batista CID ee Gobolka Nugaal iyo Eheladda eedaysanaha.

Eedeysanaha ayaa waxaa lagu waddaa in la horgeeyo Maxkamada awooda u leh kiiskiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM