Puntland iyo Is-maamulka Oromada oo xoojinaya iskaashiga ganacsiga

Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qayb galay kulan casho sharaf ah oo uu u sameeyey Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Mr. Shimelis

Kulankan Casho sharafta ah ee uu Madaxweynaha Oromada u sameeyey Deni ayaa ka qabsoomay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, waxaana looga wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga ganacsiga ee labada dhinac.

Kulanka Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Oromada ee dalka Itoobiya Shimelis ayaa kusoo dhammaaday guul.

Dhinaca kale, Deni ayaa ka qayb galay hadimo sharafeed qado sharaf ah oo uu u sameeyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdullaahi Cumar Camey.

Qodo sharafta ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Kulanka Qado Sharafta ah oo daaranaa soo dhoweyn iyo is-xog wareysi ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya iyo si gaar ah Puntland, waxaana uu ku soo idlaaday kulaankaasi guul.

Puntland oo ah maamulka ugu da'da weyn dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay ku naalooneysaa amni, nabad-gelyo, nidaam dowladeed oo shaqeeya iyo kala dambeyn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Cirka oo Mareykanku Ka Fuliyay Puntland

Wuxuu ballan qaaday in Mareykanku sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya si ay u gaaraan xasillooni buuxda.

  • Puntland

    08-07-2025

  • 12:35PM

Cabdirashid Yuusuf Jibriil oo la siiyay waddo nabadgelyo ah oo uga baxay Ceelbuh 

Dhanka kale, ciidamada Puntland ayaa ogaadey inay jiraan qorshayaal ay wasiirro iyo xildhibaanno ka socda Muqdisho.

  • Puntland

    07-07-2025

  • 06:36AM