Puntland iyo Itoobiya oo ka shiray iskaashiga amniga iyo ganacsiga

Image

ADDIS ABABA, Ethiopia - Madaxweynaha dowladda Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa kulan ku yeeshay Addis Ababa, caasimada Itoobiya.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Deni, labadda mas'uul ayaa waxay kawada hadleen iskaashiga amniga, ganacsiga, horumarka iyo xiriirka Soomaaliya gaar ahaan Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa socdaal kusoo maray Itoobiya kadib markii uu kasoo laabtey Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kala duwan kula soo yeeshay qaar kamid ah madaxda waddankaas.

Qoraalka Madaxtooyadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caasimadda dalka Itoobiya kulan kula qaatay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Itoobiya Axmed Shide.

Soo dhoweyn iyo isxog waraysi kadib Madaxweyne Deni iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dhinac ee arrimaha ganacsiga, amniga, horumarka iyo xidhiidhka Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in Puntland soo dhoweynayso iskaashiga horumarineed ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan Puntland. Waxaana uu Madaxweynuhu u rajeeyey shacabka iyo dowladda Itoobiya Amni iyo horumar.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dowladda Itoobiya Axmed Shide ayaa dhankiisa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka isaga iyo Madaxweynaha, waxaana uu tilmaamay in ay dhankooda diyaar u yihiin dardargelinta iskaashiga ganacsi, amni, horumar iyo deris wanaag ee ka dhexeeya labada dhinac.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM