Puntland iyo Jabuuti oo kawada hadlay horumarinta iskaashigooda

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Dowladaha Puntland iyo Jabuuti ayaa waxay wadahadleen horumarinta xiriirka iskashiga ah ee ka dhaxeeya, sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Puntland State House.

Bayaankaas ayaa ka dambeeyay markii ay caasimada Garowe ku kulmeen madaxweyne ku xigeenka maamulka, Axmed Cilmi Cismaan iyo safiirka Jabuuti u jooga Soomaaliya, Aadan Xasan.

Kulankaas oo ku qabsoomay Aqalka Madaxtooyadda ayaa ku koobnaa labadooda, sidda ay muujinayaan sawirro laga soo qabtay shirka isla markaana Madaxtooyaddu faafisay.

"Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan," ayaa lagu yiri bayaanka.

War-saxaafadeedka oo lasoo dhigay ciwaanada baraha bulshada madaxtooyadda ayaa la raaciyey: "Kulanka ayaa looga hadlay horumarinta xiriirka iskaashi ee Puntland iyo Jabuuti".

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo dhowaan booqasho ku tegay Jabuuti wuxuu hogaamiyaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle uu kala hadlay sidii iskaashiga labada dhinac loo xoojin lahaa.

Puntland oo hormuud u ah nidaamka dowlad dhisida Soomaaliya ayaa sidoo kale waxay kaga horeysaa dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyaddoo arrimaha Jabuuti kala kaashaneyso ay ku jiro arrintaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM