Puntland iyo Jubaland oo beeniyey in khilaaf soo kala dhex galay

Image

December 15, 2014 (GO)- Madaxweynaha  Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad ku sugan dalka Ethiopia  ayaa halkaas kula kulmay madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Cabdulaahi Ismaaciil Fartaag.

Kulanka Gaas iyo Fartaag waxaa intiisa badan lagu gorfeeyey sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Jubaland, waxaa sidoo kale layska waraystay horumarrada dhanka siyaasadda iyo ammaanka labada dhinac ka sameeyeen.

Puntland iyo Jubaland ayaa si wadajir ah u beeniyey warar maalmihii u dambeeyey warbaahintu isla dhex maraysay oo sheegayey in khilaaf soo kala dhex galay labada maamul.

Been abuur iyo warar dad dano gaar ah lihi faafiyeen ayaa lagu tilmaamay, waxayna labada mas'uul xaqiijiyeen in xiriirka Puntland iyo Jubaland meeshii ugu fiicnayd marayo.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Addis Abaab kula kulmay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baralamanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdala.

Gaas ayaa bogaadiyey shaqada uu Barlamanku hayo isagoo ku baaqay in howsha lasii dardargeliyo si loo gaaro himilooyinka 2016-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM