Madaxda Puntland iyo Jubaland oo Kismaayo ku kulmey

Image
Image
Image

March 4, 2015 (GO)- Madaxda dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada maamulka Jubaland ee magaalada Kismaayo.

Arrimo badan ayey labada dhinac kulankooda diiradda ku saareen, waxaase ugu muhiimsanaa:

  • In Puntland iyo Jubaland aragti mideysan ka yeeshaan higsiga 2016.
  • In Jubaland laga caawiyo dhismaha hay'adaha dowliga ah.
  • In labada dhinac iskaashi dhanka ganacsiga ah sameystaan.
  • In layska kaashado la-dagaalanka Al-shabaab.
  • In ciidamada booliska Jubbaland lagu tababaro kuliyadda ciidamada ee Carmo.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland waxay bishii January ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho uga soo qab galeen shir dhex maray dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Go'aamadii kulankaas kasoo baxay waxaa kamid ahaa in la xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada iyo weliba in dowladaha gobolladu iyagu dhexdooda is kaashdaan.

Wafdiga Puntland maalinta Jimcaha ayaa lagu wadaa inay dib magaalada Garowe ugu soo laabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM