Madaxda Puntland iyo Jubaland oo Kismaayo ku kulmey

Image
Image
Image

March 4, 2015 (GO)- Madaxda dowladaha Puntland iyo Jubaland ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta madaxtooyada maamulka Jubaland ee magaalada Kismaayo.

Arrimo badan ayey labada dhinac kulankooda diiradda ku saareen, waxaase ugu muhiimsanaa:

  • In Puntland iyo Jubaland aragti mideysan ka yeeshaan higsiga 2016.
  • In Jubaland laga caawiyo dhismaha hay'adaha dowliga ah.
  • In labada dhinac iskaashi dhanka ganacsiga ah sameystaan.
  • In layska kaashado la-dagaalanka Al-shabaab.
  • In ciidamada booliska Jubbaland lagu tababaro kuliyadda ciidamada ee Carmo.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland waxay bishii January ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho uga soo qab galeen shir dhex maray dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

Go'aamadii kulankaas kasoo baxay waxaa kamid ahaa in la xoojiyo wada shaqeynta u dhexeysa dowladda dhexe iyo dowladaha gobollada iyo weliba in dowladaha gobolladu iyagu dhexdooda is kaashdaan.

Wafdiga Puntland maalinta Jimcaha ayaa lagu wadaa inay dib magaalada Garowe ugu soo laabtaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM