Puntland iyo Mareykanka oo ka shiray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah

Image
Madaxweyne Deni ayaa Nairobi kula kulmay Safiirka Dowladda Maraykanka, Richard Riley.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada.

Dowladda Puntland iyo Safaarada Maraykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dhismaha Hay’adaha Amniga iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM