Puntland iyo Mareykanka oo ka shiray xoojinta iskaashiga taariikhiga ah

Image
Madaxweyne Deni ayaa Nairobi kula kulmay Safiirka Dowladda Maraykanka, Richard Riley.

NAIROBI, Kenya - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Ambs. Richard H. Riley iyo masuuliyiin ka tirsan safaarada.

Dowladda Puntland iyo Safaarada Maraykanka ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah gaar ahaan la dagaalanka argagixisada, dhismaha Hay’adaha Amniga iyo mashaariicda horumarin iyo maalgashiga.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland, La-taliyeyaal Madaxweyne iyo Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM