Puntland iyo Mareykanka oo Qabtay Hoggaamiye ISIS ah oo Cunaqabatayn Saarneyd
GAROWE, Somalia — Ciidamada difaaca Puntland oo ay garab taagan yihiin saaxiibadooda Mareykanka ayaa howlgal qorsheysan ku qabtay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda ISIS-Somalia, kadib howlgal ka dhacay buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, sida ay sheegeen masuuliyiinta.
Sarkaalkan, oo lagu magacaabo Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf, kuna magac dheer Cabdiweli Walalac, ayaa ahaa madaxii xiriirka shisheeye iyo maaliyadda ee kooxda ISIS-Somalia. Wuxuu la qabtay labo qof oo kale intii lagu guda jiray howlgal ka dhacay deegaannada Laag iyo Xumbeys, sida lagu sheegay war kooban oo uu baahiyay cutubka la-dagaallanka argagixisada Puntland ee barta X [horey u ahayd Twitter].
Bayaan kasoo baxay Xafiiska La-dagaallanka Argagixisada iyo Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka (OFAC) ayaa lagu sheegay in Cabdiweli Walalac uu door muhiim ah ka qaatay keenista dagaalyahanno shisheeye, sahay ciidan iyo rasaas uu u fidiyay kooxda, taasoo xarun u noqotay isku xirka dhaqaalaha iyo howlgalada ISIS ee qaaradda Afrika.
Kooxda ISIS-Somalia ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inay si ba’an u baadhaan ganacsiyada maxalliga ah, gaar ahaan magaalada dekedda ah ee Boosaaso, iyagoo lacagahaasi u dira kooxaha kale ee ISIS ee Afrika. Warbixinno la helay ayaa muujinaya in lacagahaasi loo mariyo adeegyada lacagaha moobilka, xawaaladaha iyo bangiyada caalamiga ah.
Sida lagu xusay warbixinaha, kooxda ayaa sanadkii 2022 ka heshay ku dhawaad $2 milyan oo baad ah, halka sanadkii ka horreeyay la sheegay inay ka heleen $2.5 milyan.
Cabdiweli ayaa bishii Luulyo 2023 waxaa lagu daray liiska Argagixisada Caalamiga ah ee Gaar ah (SDGT) ee Mareykanka, isagoo tan iyo 2019 ahaa madaxa maaliyadda ee ISIS-Somalia. Wuxuu sidoo kale xiriir dhow la lahaa hoggaamiyeyaasha kale ee kooxda, oo ay ka mid yihiin Abdirahman Fahiye Isse iyo aasaasaha kooxda, Cabdiqadir Mumin, kuwaasoo horey loogu cunaqabateeyay.
Howlgalka Hillaac ayaa maraya wejigii ugu dambeeyay, iyadoo weli lagu daba jiro xubnaha ISIS iyo hoggaamiyeyaasha ka baxsaday buuraha Calmiskaad.
GAROWE ONLINE