Puntland iyo Midowga Yurub oo ka shiray la dirirka burcad badeeda

Image
Kulankan ayaa waxa uu ka dhex dhacay markab dushiisa kaasoo yimid xeebta magaalada Boosaaso.

MUQDISHO, Soomaaliya - Agaasime Ku-xigeenka Guud ee ciidamada PMPF Maxamuud Silaal Cumar oo ay weheliyaan Saraakiisha Sar-sare ee ciidamada PMPF ayaa kulan kula qaatay Badda magaalada Boosaaso Saraakiisha mid ka mid ah Maraakiibta Dagaal ee Midawga Yurub, gaar ahaan Hawlgallada EU-NAVFOR ATALANTA ee ilaalada Badaha Soomaaliya, markabkaas oo lagu magacaabo ESPS NUMANCIA.

Agaasime Ku-xigeenka Guud ee ciidamada PMPF Maxamuud Silaal Cumar iyo Taliyaha Guud ee Markabka Admiral Manuel ALVARGONZÁLEZ MÉNDEZ oo ay weheliyaan Saraakiisha Markabka ayaa ka wadahadlay xoojinta wadashaqaynta labada dhinac, dar-dargelinta hawlgallada ka dhan ka ah Burcad Badeedda, Kalluumaysiga sharcidarada ah, Hubka sharcidarada ah, Daroogada, ladagaalanka Argagixisada Badaha iyo waxkasta oo liddi ku ah amniga iyo xasiloonida.

Sidoo kale intii kulanku socdey waxaa si dhow la isula qiimeeyey maxsuulka ka dhashay wadaagista xogaha falalka Burcad Badeedda iyo guulaha laga gaaray hawlgallada wadajirka ah ee lagaga hortegey, kuwaasi oo horseeday in si dhow loola socdo xogtooda, lana fashiliyo goor-horeba isku daygooda abaabulan ee Bad iyo Beriba.

Ugu dambayn, Taliska Guud ee Ciidamada PMPF iyo Hawlgalka EUNAVFOR Operation ATALANTA ayaa hoosta ka wada xariiqay in si ka dhaw sidii hore loo horumariyo hawlgallada iyo iskaashiga xogaha Amniga Badaha, si looga hortago goor-horeba falalka Amnidaro ee ka dhicikara Badda oo ay ugu mudan tahay kuwa Burcad Badeedda iyo Argagixisada Badaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM