Puntland iyo SSC-Khaatumo oo iskaashanaya xilli xiisad ay taagan tahay

Image
Xasarada oo ku saabsan doorashada soo aadan ee Soomaaliya ayaa u dhaxeysa Villa Soomaaliya iyo Jubaland.

GAROWE, Puntland - Maamulka SSC-Khaatumo ayaa wuxuu magacaabay guddi hogaamin wadahadalo ay la galaan dowladda Puntland si ay isaga kaashadaan dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda.

HOOS KA AKHRISO MAGACYADA GUDDIHA

Magacaabis: GUDDIGA WADAHADALLADA ISKAASHIGA MAAMULKA SSC-KHAATUMO iyo DOWLADDA PUNTLAND

Xeer Hoggaamiye 26/2024
Laascaanood: 10.November.2024

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo

Isagoo tixraacaya: Axdiga Maamulka SSC-Khaatumo qodobadiisa 1aad, 6aad, 14aad, 18aad

Isagoo tixgelinaya:-Wadatashiyada Golayaasha Maamulka, Isimida Dhaqanka iyo Haldoorka Bulshada SSC-Khaatumo

Hoggaamiyuhu waxa uu magacaabay Guddiga Wadahadallada Iskaashiga Maamulka SSC Khaatumo iyo Dowladda Puntland

Guddigaas oo ka kooban:-

1. Mud. Cabdiqani Xuseen Hiirad
(Guddoomiye)
2. Xil. Cali Warsame Cismaan (xubin)
3. Xil Maxamuud Salaad Warsame (xubin)
4. Xil. Cabdixamiid Daahir Maxamed (xubin)
5. Mud. Maxamed Yuusuf Jaamac Indhasheel (xubin)
6. Dr. Cabdikariin Xasan Jaamac (xubin)
7. Eng. Cali X. Cige Cabdulle (xubin)
8. Mud. Cali X. Khaliif Faarax (xubin)
9. Mud. Maxamed Axmed Cige (Xubin)

Guddiga magacaaban waxay ka shaqaynayaan Qorshaha Iskaashiga Puntland iyo SSC-Khaatumo. Kor u qaadista xiriirka wadashaqayneed iyo dardargelinta wadajirka labada maamul. Guddigan ayaa sidoo kalana diyaarinaya sidii loo heli lahaa Iskaashi dhidibo adag ku taagan oo dhexmara maamulada walaalaha ah ee SSC-Khaatumo iyo Dowladda Puntland.


Magacaabidan ayaa kusoo aadaysa xilli ay xasarad siyaasadeed ka oogan tahay Soomaaliya isla markaana Jubaland ka baxdey heshiiskii siyaasadeed ee Villa Soomaaliya taasoo soo afjartay qorshihii doorasho qof iyo codka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM