Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Image
Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

MOGADISHU, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern.

Deni ayaa waxaa shirkan ku wehlinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Sidoo kale, kulanka oo ay ka qeybgaleen  xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Siyaasadda iyo arrimaha gudaha Puntland sida dhameystirka Dimuqraadiyadda.

Deni ayaa Dowladda Sweden uga mahadceliyay taageeridii doorashooyinkii hal qof iyo hal cod ee Puntland. Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay mashaariicda horumarin ee ay iska kaashadaan Puntland iyo Sweden. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM