Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Image
Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

MOGADISHU, Soomaaliya - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Joachim Waern.

Deni ayaa waxaa shirkan ku wehlinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor.

Sidoo kale, kulanka oo ay ka qeybgaleen  xubno ka tirsan Golaha Xukuumadda, ayaa looga hadlay Dowlad dhiska Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Siyaasadda iyo arrimaha gudaha Puntland sida dhameystirka Dimuqraadiyadda.

Deni ayaa Dowladda Sweden uga mahadceliyay taageeridii doorashooyinkii hal qof iyo hal cod ee Puntland. Sidoo kale waxaa Kulanka looga hadlay mashaariicda horumarin ee ay iska kaashadaan Puntland iyo Sweden. 

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM