Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashiga ka dhaxeeya

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa galabta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Safiirka Sweden ee Soomaaliya Stefan Tillander oo ay weheliyaan Masuuliyiinta ka tirsan Dowladda Sweden iyo Madaxda Hay’adda Diakonia ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga Puntland iyo Sweden, Iyadoo xoogga la saaray dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland. Sweden ayaa bogaadisay dadaalka Madaxweynuhu ku bixiyey hirgelinta dimuqraadiyadda oo xilli hore la billaabay.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Cabdiqaadir Cismaan, Wakiilka Puntland ee Dalka Sweden Mudane Abdicasiis Cilmi Birjeeb, Masuuliyiin ka tirsan Madaxtooyada iyo La Taliyeyaal Madaxweyne .

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM