Puntland iyo Sweden oo la mataanaynayo

Image

Isniin, Sept 15, 2014- (Garowe Online) Wafdi uu hoggaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka Guddiga Xiriirka Caalamiga ee Baarlamaanka Puntland Siciid Cabdi Samatar (Surcad) ayaa dalka Sweden u jooga mataanaynta gobalka Vastraland iyo Puntland.

Surcad oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay inay ahmiyad ballaaran ugu fadhido xiriirka mataanaynta Puntland iyo Sweden oo wax badan ka badali doonna baahida caafimaad, waxbarashada iyo addeega bulshada, wuxuuna intaas ku daray inuu kulammo kala duwan caasumadda labaad ee Sweden kula qaatay masuuliyiinta gobalka Vastraland iyo Jaaliyadda Puntland.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay suurtagalnimadda barnaamijkan oo Puntland ay faa'iido badan ka heli doonto iyo sidii ay madaxda Vastraland usoo booqan lahaayeen goballadda Puntland si ay usoo arkaan nidaamka ka jira iyo nolosha dadka.

Xildhibaan Siciid Samatar ayaa xusay waxyaabaha ay ka barteen Sweden inay ka mid tahay qaabka doorashada axsaabta badan, nidaamkaas oo lagu rajo weyn yahay inuu Puntland ka dhaqan galo marka la gaaro doorashada soo socota.

Marka laga tago mataanaynta Vastraland iyo Puntland dalka Maraykanka gaar ahaan Minnesato waxaa ka socda mataanaynta Bosaso iyo Minneapolis iyadoona qorshahaas ay wadaan masuuliyiin uu ka mid yahay Cabdi Warsame oo laga soo doorto xaafadda lixaad ee Minneapolis.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM