Puntland iyo Talyaaniga oo kawada hadlay mashaariicda horumarinta

Image
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Dowladda.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Shir-Guddoomiyey Kulan Dowladdu uguso bandhigtay Safaarada Talyaaniga Qorshaha horumarinta Puntland.

Shirkan oo ka qabsoomay magaalada Garowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Dowladda ee ku shaqo leh Mashaariicda, ayaa lagu soo bandhigay qorshaha horumarinta Puntland si loogu jaangooyo mashaariicda Dowladda Talyaanigu ka taageerto Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM