Puntland iyo Talyaaniga oo kawada hadlay mashaariicda horumarinta

Image
Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Dowladda.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa Shir-Guddoomiyey Kulan Dowladdu uguso bandhigtay Safaarada Talyaaniga Qorshaha horumarinta Puntland.

Shirkan oo ka qabsoomay magaalada Garowe ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Mario Dacco.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Hay’adaha Dowladda ee ku shaqo leh Mashaariicda, ayaa lagu soo bandhigay qorshaha horumarinta Puntland si loogu jaangooyo mashaariicda Dowladda Talyaanigu ka taageerto Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM