Puntland iyo UN-ka oo ka shiray Amniga iyo siyaasada Soomaaliya

Image
Deni ayaa Garoowe ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorka Puntland ee Dowlad dhiska Soomaaliya iyo arrimaha Puntland sida Amniga, nabadeynta, dimuqraadiyadda iyo mashaariicda horumarin. 

Waxaa Kulanka kala qeybgalay Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdifataax Maxamed Cabdinuur iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM