Puntland iyo UNDP oo dib-u-eegay mashaariic ay isla wadaan

Image
Image
Image
Mashariicda waxaa kamid ah JPP oo lagu taageero Booliiska Puntland wixii ka qabsoomay sanadkii dhamaaday ee 2021

GAROWE, Puntland - Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland, Maxamed Imaan Cabdulle ayaa kulan la qaatay Madax Sar-sare oo ka socata hay'adda UNDP.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda, Cabdulle waxaa is-aragan muhiimka ah ku wehliyey Agaasimaayasha waaxaha Maamulka, Qorsheynta iyo Amniga.

Shirkaan ayaa, sida ku xusan bayaanka, wuxuu ku qabsoomay xarunta dhexe ee wasaaradda, iyadda laga hadlaayey mashaariicaha ay isla wadaan wasaaradda iyo UNDP.

Mashariicda waxaa kamid ah JPP oo lagu taageero Booliiska Puntland wixii ka qabsoomay sanadkii dhamaaday ee 2021 iyo qorshaha sanadka 2022 oo la rajeynaayo inay bilaamaan horaanta bisha soo socota.

Dhanka kale, waxaa isna madaxda wasaaradda iyo UNDP dib u eegis ku sameeyeen wixii qabsoomay mashruuca JSSGP oo dhamaaday kaas oo ahaa dib u habaynta hay'addaha amniga iyo sidii loogu heli lahaa tageera kale oo booskiisii lagu bedelo.

"Shirkaan ayaa kusoo dhamaaday jawi is-afgarad iyo wadashaqayn mugleh oo qolo walba shaqadeedii lagu amaanay inay sidii ugu habanooday u guteen," ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM