Puntland iyo UNDP oo ka shiray dardargelinta mashaariicda

Image
Image
Image
Image
Image
Karaash ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Soomaaliya Jocelyn Mason iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadasheyn ee Hay’adda UNDP iyo Puntland, dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland iyo qodobo kale.

Dhanka kale, Karaash ayaa maanta goob joog ka noqday dhaarinta laba xubnood oo kamid ah Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kula dar-daarmay xubnaha cusub ee maanta la dhaariyey inay si cadaalad ah oo hufan u gutaan masuuliyada saaran.

Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Mudane Cali Dhagacade iyo Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Shiikh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM