Puntland iyo UNDP oo ka shiray dardargelinta mashaariicda

Image
Image
Image
Image
Image
Karaash ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobey (UNDP) ee Soomaaliya Jocelyn Mason iyo wefdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka wadasheyn ee Hay’adda UNDP iyo Puntland, dar-dargelinta mashaariicda horumarineed ee UNDP ka wado Puntland iyo qodobo kale.

Dhanka kale, Karaash ayaa maanta goob joog ka noqday dhaarinta laba xubnood oo kamid ah Guddiga ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kula dar-daarmay xubnaha cusub ee maanta la dhaariyey inay si cadaalad ah oo hufan u gutaan masuuliyada saaran.

Kulanka waxa ka qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga KMG ee Doorashooyinka Puntland Mudane Cali Dhagacade iyo Afhayeenka Guddiga Cabdinuur Shiikh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM