Puntland iyo UNICEF oo ka shiray mashruuc dhowaan bilaabanaya

Image
Mashruuca Dowlad-kaab waxaan iska kaashanaya Dowladda Puntland iyo Hay’adaha UNICEF, UNDP iyo UNHABITAT

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay Saraakiil ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobey ee UNDP and UNICEF.

Shirka ayaa looga hadlay arrimo farsamo oo la xiriira sidii loo hirgelin lahaa Mashruuca Dowladda-Kaab oo dhowaan bilaabmaya.

Mashruuca Dowlad-kaab oo ay iska kaashanayaan Dowladda iyo Hay’adaha UNICEF, UNDP iyo UNHABITAT ayaa xoojinaya maamul daadejinta iyo horumarinta degmooyinka Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM